Find Posts By Topic

Laga bilaabo bisha Maarso, kamaradaha cusub ee taraafikadu waxay si toos ah u tigidhayaan wadayaasha isticmaala jidadka gaadiidka, ama xannibi doona isgoysyada iyo isgoysyada si sharci darro ah.

Ha xirin isgoysyada ama meelaha dadka gooyaan. Graphic credit: SDOT

English blog post: https://sdotblog.seattle.gov/2022/02/16/dont-block-the-box-traffic-cameras/

Bisha Maarso 2022, Waaxda Gaadiidka Seattle (SDOT) iyo Waaxda Booliiska Seattle (SPD) waxay bilaabayaan inay daaraaan kamaradaha taraafigga ee siddeed goobood oo agagaarka Downtown Seattle ku yaal. Kaamirooyinkan taraafika ayaa sawiro ka qaadi doona baabuurta sida sharci darrada ah ugu dhex wata dariiqyada basaska ama xannibaya isgoysyada magaaalada. Kaamirooyinkan ayaa wax ka tari doona hagaajinta amniga dadweynaha, oona dhimidoona ciriiriga taraafikada si loo hormariyo socoshada gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa dadka naafada ah. 

Magaalada Seattle waxay kamaradahan iyo soo saarista digniinaha bilaabi doontaa bisha Maarso. Kamaradaha ayaa si tartiib tartiib ah loo shid doonaa dhowr toddobaad si loo tijaabiyo nidaamka meel kasta oo dadweynaha loo siiyo waqti ay la qabsadaan isbeddelkan.  

Kamaradaha cusub ee taraafikada ayaa sawiri doona taarikada danbe ee baabuurta sharciga ku xad guduba. Marka ugu horreysa ee qof la qabto, waxaa loo diri doonaa warqad digniin ah. Wixii xad-gudub ah ee intaas ka dib, waxaa boostada loogu diri doonaa tigidh $75 ah.  

Dhammaan goobuhu waxay yeelan doonaan calaamado cad iyo calaamado laamiga ku sawiran. Calaamadaha laamigu waxa ka mid ah khadadka cadcad oo tilmaamaya halka uu ka bilaabmayo isgoyska. Rinjiga cas wuxuu tilmaamayaa haad ku xaddidan basaska oo keliya.  

Traffic camera photo of vehicles blocking an intersection in Seattle’s Belltown neighborhood. Numerous cars can be seen in the photo, as well as a bicyclist trying to walk through the blocked crosswalk and intersection.
Photo credit: SDOT

Kaamirooyinka ayaa lagu rakibay afar isgoys oo mashquul badan, si looga hortago in dadka gaadiidka wata aysan xirin isgoysyada marka nalka uu casaan noqdo. Waa sharci darro in darawaladu ay galaan isgoys haddii aysan haysan waddo cad oo ay soo maraan. Xiritaanka isgoysyada waa sharci darro iyo dhaqan halis ah. Waxay kordhisaa halista shilalka waxayna u fududaysaa dadka mariyo isgoysyada inay si amni ah wadada u gooyaan. Tani waxay si gaar ah khatar ugu tahay dadka naafada ah. Dadka indhoolayaasha ah, isticmaala kuraasta curyaamiinta, ama qaba baahiyo dhaqdhaqaaq ee kale waxay ku xayirmi karaan jidka bartamaheeda iyagoon haysan waddo ammaan ah oo dib loogu noqdo. Xiritaanka isgoyska ayaa sidoo kale kordhisa ciriiriga iyo w xanibtaa dhaqdhaqaaqa binaadanka. Traafikadana way istaajisaa.  

Kaamirooyinka kale ayaa la socon doona dariiqyada basaska ee shanta goobood si looga ilaaliyo in dadka ay sharci darro ugu dhex wadaan wadada. Tani waxay gacan ka geysataa in basaska ay si fudud u dhaqaaqaan taasoo ka dhigaysa habka gaadiidkayaga mid la isku halayn karo oo qof walbe faa’iido u leh. Basaska waxay dhaqaajiyaan dad ka badan marka la isku barbar dhigo baabuurta gaarka loo wato. Qof kasta oo baska raaca macnaheedu waa hal baabuur oo laga dhimay waddada. Tani waa hab aad muhiim u ah oo qof walba uu gacan ka geysan karo wax ka qabashada ciriiriga iyo isbeddelka cimilada.  

Kaamirooyinka cusub waxaa lagu rakibi doonaa siddeed goobood oo ku yaal bartamaha magaalada Seattle, South Lake Union, Belltown, Pioneer Square, iyo Waddada Gobolka 99 (State Route 99). Goobahan waxaa loo doortay sababtoo ah waxay leeyihiin taariikh dad si sharci darro ah u xannibaya isgoysyada, isgoysyada, ama ku wadida wadista gaadiidka.  

Map showing the locations of traffic cameras that will enforce illegal use of transit lanes, and blocking of intersections and crosswalks in Seattle. The eight locations are shown with blue, orange, and green dots, and are located in downtown Seattle and nearby neighborhoods.
Graphic credit: SDOT

Markay ahayd 2020 Sharci-dejinta Gobolka Washington ayaa oggolaaday isticmaalka kamaradaha si loo dhaqan geliyo xad-gudubyada haadka baska iyo isgoysyada.  

SDOT waxay ku dhawaaqday goobaha cusub ee kamarada iyo sidokale waxayna calaamadaha rakibtay Noofambar 2021 si loo hubiyo in dadku ay haystaan wakhti ay ku bartaan shuruucda wadada oo ay uga fogaadaan ganaxa tigidhada. SDOT waxa ay ku daabacday ogeysiiskan 10 luqadood, wayna sii wadi doontaa in ay la wadaagto xasuusinta baraha bulshada, ururada bulshada, iyo ogaysiisyada adeega bulshada.  

Sida lagu dhajiyay sharciga gobolka, lacagta laga soo ururiyo kamaradaha taraafiggu waxa ay aadi doontaa sanduuqa Guddiga Amniga Taraafiga ee Washington oo loogu talagalay mashaariicda amniga baaskiilka iyo dadka lugaynaya. Lacagta laga aruuriyo waxaa sidoo kale loo isticmaali doonaa in lagu dhiso amniga iyo hagaajinta dhaqdhaqaaqa dadka naafada ah ee Seattle. SDOT waxay qorshaynaysaa inay lacagtan u isticmaasho barnaamijyo kala duwan si ay u dhisto calaamado socod oo la heli karo oo dheeraad ah isgoysyada Seattle. Calaamadahani waxay leeyihiin badhamo la riixi karo oo gariiraya ee markaasna sameeyana buuq si ay dadka u ogeysiiyaan marka wadada si amni leh lagu gooni karo.  

Kaamirooyinka cusub waxay u shaqayn doonaan sida kamaradaha xoojinta sawirka ee qaybaha kale ee Seattle, iyo sida kamaradaha aminga ilaaliyo ee aagga dugsiga. Kaamirooyinkani waxay dadka jebiya sharciga waddooyinka siniyaan tigidho, taasoo ka caawisa saraakiisha booliiska inay diiradda saaraan baahiyaha kale ee amniga dadweynaha. Kaamirooyinka ayaa ka dhigaya bixinta tigidhada mid joogto ah oo cadaalad ah. 

Si loo ilaaliyo qarsoodiga, kamaraduhu waxay sawiri doonaan oo keliya taargada baabuurta ee ma sawiri doonaan dadka ku jira baabuurka. Sawirada waxa kaliya loo isticmaali doona in lagu her geliyo sharciga ku wadista laymaha baska iyo xidhidhka isgoysyada dadweynaha. Loogama talagalin tallaabo kale oo sharci fulinta ah.