Find Posts By Topic

Aagga Mudnaanta Cunto Qaadashada

Waaxda Gaadiidka Seattle waxay u badalaysaa baakinada jidka saaran  ee u dhaw maqaaxiyaha meelo si ku meelgaar ah saddex daqiiqo loo joogsado oo aag laga qaado dadka rakaabka ah si markaa loogu fududeeyo dirawalada alaabaadka qaada iyo macaamiisha in ay cunto uga dalbadaan iyaga oo markaa ilaalinaya amarkii kala fogaanshaha ah.

English-version of this blog here.

Meelahan ku meelgaadhka ah ee wax laga raro waxaa lagu calaamadin doonaa calaamad Meel Rakaabka Laga Qaado (Passenger Load Zone) iyo calaamado gaar ah oo ku yaala boodhadh ku meelgaadh ah.

Badanaa aagga wax laga raro waxa uu noqonayaa ilaa 40 fuudh oo waxaana istaagi kara celcelis ahaan ilaa laga gaadhi saddex daqiiqo markiiba.

A person holding their meal near a Food Pick-up Priority zone.

Waxa aanu ugu dhajin doonaa calaamadahan si joogto ah.

Hadii aad tahay mulkiile maqaaxi oo aad doonayso aagga si ku meelgaar ah wax looga rari karo oo u dhaw maqaaxidaada, fadlan la hadal (206) 684-ROAD ama iimeel u dir 684-road@seattle.gov.

Marka aad nala soo xidhiidho anaka, waxa aanu u baahan doonaa cinwaanka iyo macluumaadka lagaala xidhiidhayo ee ganacsigaaga.

Waxa aanu kadibna ka shaqayn doonaa sidii loo ogaan lahaa hadii uu jiro meel kuu dhaw oo markaa si ku meelgaadh ah inta gaadiidku istaagaan ay cuntada u qaadan karaan.