Find Posts By Topic

Cubsoonaysiinta Baarkinka Seattle

English-version of this blog here.

SDOT waxay bayaamisay isbadal meelaha gaadiidka la dhigo oo ku meel gaadh ah.

Waxba kharash la iskama qaadayo wixii wadooyinka marka hore baarkinkooda lacagta la bixin jiray.

Saacadaha la xadidi jiray iminka lama xadido marka laga reebo Aaga Ka Xidhan Dhigashada Gaadiidka (Restricted Parking Zones, RPZs)

Waxa sidii hore wakhti xadidan loo dhigan karaa RPZyada

Markaa dadka degan xaafadahan waxa ay weli heli karaan baarkin.

Hadii aad dhigato RPZ adiga oo aan ruqsad u haysan, waa inaad la socotaa wakhtiyadan lagu dhajiyay.

Aaga wax laga raro ilaa 30 daqiiqo, oo ay ku jiraan meelaha cuntada laga qaado, ayaa weli uu noqon doonaa xadidku.

Dhamaan calaamada lama dhigan karo gaadiidka, oo ay ku jiraan calaamada lama dhigan karo gaadiidka ee aan wakhtiga loo xadidin, weli way sii shaqayn doonaan.

Aagaga gaarka ah waxay dhaqan gashanaan doonaan, waxaana ku jira aagaga cusub ee shaqaalaha Isbitaalka ama Adeegyada Bilaa Aadanka

Iyo sidoo kale aagagii hore sida gaadiidka xamuulka, gaadiidka cuntada, iyo basaska rakaabka.