Find Posts By Topic

Dayrtii waa timid, waxaanan idin la wadaagaynaa xasuus muhiim ah si aan gacan uga geysanno nadiifinta waddooyinka lugta, xariijimaha beeridda, iyo mareennada!


Please note: you can return to the English version of this blog post by clicking here.


Ka Nadiifinta caleemaha dayrta laamiga, meel wax lagu beero, iyo agagaarka laamiga Seattle. Xuquuqda sawirka: Jeanné Clark.
Ka Nadiifinta caleemaha dayrta laamiga, meel wax lagu beero, iyo agagaarka laamiga Seattle. Xuquuqda sawirka: Jeanné Clark.

Soo koobid:

  • Xilliga dayrta, dhamaanteen waxaan u baahannahay inaan sameyno qaybteenna si aan u ilaalino waddooyinkeena lugta, dariiqyada wax lagu beero, iyo biyo mareennada meesha aan ku nool nahay ama aan ku leenahay meherad.
  • Tani waa muhiim sababtoo ah hadii laga ilaaliyo wadooyinka lugta caleemaha ka soo dhacay geedaha iyo dhirta xad dhaafka ah waxay u sahlaysaa qof walba safarka magaalada, waxayna yaraynaysaa khatarta simbiriiraxashada marka ay laamiyadu qoyanyihiin ama ay barafoobaan.
  • Boostadan baloogga waxaa ku jira xasuusin iyo tilmaamo ku saabsan sida aad gacan uga geysan karto hubinta badbaadada, gelitaanka la isku halayn karo ee dadka lugeynaya iyo kuwa ku dhex wareegaya magaalada.

Ka -qaadista caleemaha waxay ilaalisaa amniga geesaha laamiga iyo ku dhex socodkeeda si qof kastaa uu ugu safro, gaar ahaan dadka leh baahiyaha helitaanka ama ay ku adkaato inay safraan. maahan Kaliya wanaag la sameeyo – sidoo kale waa sharci. Meesha u dhaxaysa jidkaaga iyo xariiqda guriga, oo ay ku jiraan jidadka laamiga, meelaha xariijimaha beeridda, iyo dhirta, waa mas’uuliyaddaada inaad ilaaliso oo aad ku hayso xaalad dayactir oo wanaagsan.

Meelaha casaanka ah ee sawirkan waa mas'uuliyadda mulkiilaha ama deganaha inuu ilaaliyo oo baneeyo si qof walba si amman ah ugu socdo. Tan waxaa ka mid ah dhirta soo gaadha ballaca laamiga oo dhan, ama gaadha 8 Feet oo dherer ah. Tan waxa kale oo ka mid ah laamaha geedaha ee ku fidsan jidka ama luuqyada, ilaa 14 Feet oo dherar ah. xuquuqda sawirka: SDOT.
Meelaha casaanka ah ee sawirkan waa mas’uuliyadda mulkiilaha ama deganaha inuu ilaaliyo oo baneeyo si qof walba si amman ah ugu socdo. Tan waxaa ka mid ah dhirta soo gaadha ballaca laamiga oo dhan, ama gaadha 8 Feet oo dherer ah. Tan waxa kale oo ka mid ah laamaha geedaha ee ku fidsan jidka ama luuqyada, ilaa 14 Feet oo dherar ah. xuquuqda sawirka: SDOT.

Waa kuwan qaar ka mid ah talooyin gaar ah oo ku saabsan waxaad samayn karto si aad u hubiso in dadka xaafaddaada ku nool ay badbaado qabaan marka ay socdaan, rogrogayaan, baaskiilka wadaan, ama ay gaadhi ku wadaan. Haddii aadan awoodin inaad sameyso waxyaalahan, fadlan ka fikir inaad qof weydiisato inuu ku caawiyo .

  • Iska yaree dhirta ku dheggan gurigaaga ugu yaraan 8 Feet oo ka sarreysa laamiga iyo 14 feet oo ka sarreeya waddada. ( Akhri wixii dheeraad ah oo ku saabsan jarista geedka ).
  • Dib u jar dhirta ku baahda qayb ka mid ah wadad cagta.
  • Ka qaad caleemaha ku soo dhacay wadada cagta.
  • Ka qaad cawska iyo burburka laamiga cagta.
Laamiga cagta ka hor iyo ka dib nadiifinta dayrta oo lagu guulaystay! Xuquuqda sawirka: SDOT.
Laamiga cagta ka hor iyo ka dib nadiifinta dayrta oo lagu guulaystay! Xuquuqda sawirka: SDOT. 

Ha iloobin furitaanka biyo mareenada xiran! Haddi biya-mareenku xidhmo oo biyaha roobku si fiican u socon waayaan, aagga ay dadku ay u isticmaalaan inay ku socdaan waxay noqon karaan biyo mareen, gaar ahaan xagga hoose ee ka dagashada laamiga. Tani waxay ka dhigaysa jidka ka dagashada mid adag ama aan macquul ahayn in ay isticmaalaan dadka isticmaalaya kuraasta curyaamiinta ee gacanta lagu waddo. Xasuusnoow, marka aad nadiifinayso caleemaha, fadlan iska hubi in aanay ku dambayn godka biyo mareenka. Waxa ugu fiican inaad ku rido caleenta cagaarka ah weelasha qashinka deyrka.

bullaacadahu waa ay xirmayaan hadii caleemaha dayrtu ka buuxsamaan. Xuquuqda sawirka: Jeanné Clark.
bullaacadahu waa ay xirmayaan hadii caleemaha dayrtu ka buuxsamaan. Xuquuqda sawirka: Jeanné Clark.

Waxaan kugu dhiirigelineynaa inaad deriskaaga kala hadasho waxyaabaha aad si wadajir ah u sameyn kartaan si aad xaafaddaada uga dhigtaan mid ay ku badbaadaan dadka lugeynaya iyo kuwa rogrogaya. Haddii aad jir ahaan awood u leedahay inaad caawiso deriskaaga kuwaas oo aan nadiifin karin jidadkooda cagta iyo jid ka dagashada u dhow, gooyn karin geedahooda, ama aan maareyn karin dhirtooda meelaha caamka ah – fadlan tixgeli inaad hubiso oo aad u fidin karto caawin.

Wax badan ka baro badbaadada laamiga cagta, goynta geedaha, dayactirka, iyo wixii ka badan: 

In kasta oo waqtigii jiilaalka aan weli la gaarin, waxaa muhiim ah in qof walba uu hadda u diyaargaroobo baraf iyo xaaladaha cimilo ee barafka ka hor inta aanay iman.

Waxaan isku diyaarineynaa barafka sanadka oo dhan. Waxaan ka shaqeynaa inaan waddooyinka ka banayno wax kasta oo ka mid ah geedaha dhacay iyo laamaha ilaa barafka, hagaajinta godadka si waddooyinku u sinaadaan, iyo dayactirka calaamadaha iyo layrarka magaalada oo dhan. Waxaan sidoo kale la soconaa xaaladaha waxanan hubinayna in shaqaalaheennu ay diyaar u yihiin inay shaqada aadaan marka dabaylo badan, roobab culus, ama baraf ay ku jiraan saadaasha.

Waan diyaargarobaynaa, adiguna waa inaad sidaas ahaataa! Waa kuwan waxa aad samayn karto si aad u diyaargarowdo, oo aad uga horreyso masiibada ka hor inta aanay duufaantu dhicin:

  • Baro magaalada seattle jidadkeeda barafka . Kuwani waa waddooyinka aan mudnaanta siino nadiifintooda, markaa waa habka ugu nabdoon ee aad ku gaari karto meesha aad u baahan tahay inaad tagto. Marka barafku da’o, isticmaal Khariidadan Jawaabta Duufaanka ee onlaynka ah si aad u aragto cusboonaysiinta waqtiga-dhabta ah ee wadooyinka SDOT oo la nadiifiyey iyo kaamirooyinka duuba xaaladaha waddada ee hadda jirta.
  • La hadal deriskaaga si aad u ogaato cidda u baahan karta caawimaad xagga socodka ah marka duufaanku jiro oo samee qorshe aad ku hubinayso in dhammaan waddooyinka dhinaceeda la maro. Hadii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo nadiifinta luuqa gurigaaga iyo laamiga cagta, ka fikir cidda aad caawinaad weydiisan karto. 
  • Soo iibso dharka qabowga celiya, bustayaal dheeraad ah, iyo tooshash , ka hor intaysan ciriiri noqon.
  • Soo qaado majarafada barafka iyo bac milixa wadada ah si aad isaga nadiifiso barafka.
  • Hubi inaad haysato xidhmooyinka gargaarka degdega ah iyo sahay cunto, biyo, iyo daawo saddex maalmood ah.

Booqo seattle.gov/transportation/winterweather si aad u hesho talooyin iyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan cimilada jiilaalka. Ilo dheeraadka ah ee ku saabsan jawaabta guud ee duufaanka jiilaalka ee magaalada ayaa sidoo kale laga heli karaa seattle.gov/winterweather .

Waad ku mahadsan tahay xiisahaaga, iyo qof kasta oo halkan jooga SDOT, waxaan kuu rajeyneynaa dayr iyo jiilaal badbaado iyo raaxaysi leh.