Find Posts By Topic

Iyada oo laga jawaabayo saamaynta dhaqaale ee mushkilada COVID-19,SDOTwaxa ay qaadaysaa talaabo degdeg ah oo markaa lagu joojinayo dhowr mashaaruuc

Photo by Casey Rogers

Sababo la xiriira dhibaatoyinka  COVID-19 iyo saamayn  dhaqaale ee udhigma,, Dhamaan magaalada Seattle  waxa ay la kulantay  dhaqaale yari daran.  Waaxda Gaadiidka ee Seattle (SDOT) {/ t2} kama bidbaadin dhaqaale yarida, khasaarada dakhliga ee la saadaaliyay wuxuu ku dhow yahay $ 55.3 milyan sanadka 2020.

Taas darteed, waa in aanu qaadnaa talaabo laga fikiray, laakiinse dhakhso ah oo markaa aynu ku joojinayno dhawr mashruuc iyada ooSDOT ay ka shaqaynayso sugitaanka himiladeena noolaanshaha, amaanka, iyo wada jirka ay markaa Seattle hore ugu soconayso inkasta oo ay jiraan xaaladahan cusub iyo wakhtiga oo isbadalaya.

COVID-19 waxa uu leeyahay saamayn taariikhi ah oo saamayn daran ku leh magaaladeena, bulshadeena, iyo bulshada caalamkeena oo dhan taas oo saamaynteeda la dareemi doono sanadaha soo socda. Waxa aynu ka shaqaynaynaa sidii aan uga  jawaabilaheen  Sameynta cudurka dilaacay uu ku yeshay   Magaalada Seattle iyo halkan SDOT.

Waxa aynu nahay magaalo adkaysi badan oo dib u dhisi doonto mid ka xoogan kii hore, laakiin wajahaysa saamaynta miisaaniyadeed oo xoogan 2020 iyo wixii ka danbeeya hoos u dhaca wayn ee dakhliga dartiisMagaalada iyo cidii maalgelinta aynu ka wada shaqayn jirnay kuwaas oo u baahan doona dhabo ka wada shaqayn ah kasoo kabashadeena. Ilaa intii uu bilaabmay safmarku Maarso, waxa ay noqonaysay in aynu khayraadka iyo jawaabta u wareejino oo aynu siino mudnaanta caafimaadka shacabka. Sidaa darteed, waxa aynu ognahay in badan oo qorshayaasheena kamid ah la gaaray oo qorshayaasha xawaaraha ahaa aan la gaari doonin mudada gaaban.

Hogaanka Mayor Durkan owgeed , SDOT waxa ay ka shaqaynaysaa sidii loo xaqiijin lahaa in nidaamkeena gaadiidku uu buuxiyo baahiyaha bulshada midabka ah iyo dhamaan kuwa dakhliyada, awoodaha, iyo da’daha kala duwan.

Hadafkeenu waa in aynu kala shaqayno bulshada sinaanta qoomiyada iyo  cadaalada bulshada ee nidaamka gaadiidka. Waxa weli inoo dhiman in badan, taas oo aynu ku haysano fursad aynu hormar ku gaari karno. Laakiin miisaaniyada yari waxay saamayn doontaa dhamaan reer Seatttle, waxaana naga go’an in aynu xaqiijino in shaqadani ayna saamayn kale ku yeelan Dadka madaw iyo  bulshada midabka ah.

In kasta oo ay jiraan waxyaabo badan oo aan la ogayn iyo su’aalo badan oo taagan wakhti xaadirkan, waxaa naga go’an in aynu cadayno, wada shaqaynta oo aynu macluumaadka kula socodsiino kolba wixii soo baxa.

Inta la yara hakiyay waxa aynu ka shaqayn doonaa sidii aynu u xaqiijin lahayn in si dhaanta loo fahmo caqabada jirta, aqoonsiga yaraynta kharashka ee miisaaniyada yar, iyo in la sameeyo nidaam laga baaran dagay, oo marka kowaad sinaan ah 2021 iyo wixii ka danbeeya si loo ogaado mashruuca soconaya, goorta, iyo qaabka. Waxaa macquul ah, laakiin, in qaar kamid ah mashaariicda la hakiyay in aan dib loo bilaabin hadii ayna wixii intaa ka danbeeya magaalada cusub wax u taraynin taas oo noosoo baxda sanadaha soo socda.

Waxa aynu joojinaynaa shaqooyinka badan oo mashaariicda ah iminka si looga jawaabo hoos u dhaca dakhligaSDOT ee la filanayo 2020.

Saadaasheena ugu wanaagsan waxa ay sheegeysaa in $55.3 milyan oo dakhli ah la waayi doono 2020. Maadaama oo ay jirto xaalada dhaqaale ee SDOT oo Magaaladu ay sii wadi doonto inay soo baxdo, liiska kuwa wakhtigan la hakiyay sihadafka ka wayn loo gaaro, laakiin dhawrka bilood ee soo socda waxa laga heli doonaa shuruudo muhiim ah oo go’aan lagu gaari doono ku xeeran waxa shaqayn doona inta la hakiyay iyo  waxa sii socon doona. Sida markii hore la sheegey, waxa aynu siin doonaa mudnaanta cadaalada qoomiyada iyo bulshada ee nidaamka gaadiidkeena marka aynu samaynayno shuruudahan.

Kooxda Dadka Waawayn ee SDOT waxay samayn doontaa liiskan kaas oo qayb ka ah bushqad yaraynta 2020 ee magaalada oo dhan ee uu isku keenay Xafiiska Miisaaniyada Magaalada iyo  Xafiiska Duqu. Liiska la hakinayo si wanaagsan ayaa looga baaraan degey markii la samaynayay, laakiin wakhtigan yar ee lagu doonayo in si dhakhso ah loogaga jawaabo mushkilada COVID-19, waxaa sidoo kale laga duulay baahida mashruuca lacagtiisa la joojiyay 2020, iyo in la iska ilaaliyo mashaariicda hore loo dhisay ama halka aynu simayno deeqda lacagta iyo deeqda lacagta banaanka. Ma filanayno in uu dhakhso noqdo kasoo kabashada dhaqaale oo markaa loogu soo celinayo miisaamiyadii SDOT heerka safmarka kahor. Waxaa lagu dari ama saari karaa mashaariic liiska la “hakiyay” inta kolba mudnaanta la kala siinayo shaqada iyo in si wanaagsan loo fahmo saadaasha dakhliga.

Mid kasta oo kamid ah mashaariicdeena waxa uu ku bilaabmaa fikir bulshada, hogaanka la doortay, ama cida aynu ka shaqayno ka yimaada si markaa is badal wanaagsan loogu heli karo korniinka Seattle.

Xadiga wakhtiga iyo tamarta ay qaadanayso in dhibicda khariirada ama laynka laga wareejiyoqorshaha wayn ee lagu maalgelinayo deeqda ee markaa ku socota meesha wax ka badalaysa. Waxa aynu doonaynaa in aynu xaqiijiyo in aad ogtahay in liisku aynu yaraynaynin u ololaynta iyo dadaalka joogtada ah ee aynu doonayno in aynu gelino hirgelinta mashruuc kasta. Waxa weeye muujin safmarka caalamka ee saamaynta oo uu burburiyay dhinac kasta oo nolosheena ah.

Waxa inoolooga baahan yahay in aynu yarayno kharashkeena 2020 si aynu u helno liiska saxda ah ee mashaariicda mudada dheer ee 2021 iyo 2022. Intii aynu ka shaqaynaynSDOT-go’aamadeena badan ee kama danbaysta ah ee lagaga jawaabayo hoos u dhaca dakhliga, amaanka, iyo sinaanta, jawaab celinta  Gudida Kormeerka Socodka Seattle Levy (Move Seattle Levy Oversight Committee) iyo hay’adaha kale ee ka taliya xaaladaha muhiimka ah ee markaa go’aanka lagu gaaro. Waxa aynu doonaynaa in aynu cid walba u xaqiijino in mashruuc kasta oo halka lagu qoray loo sheegey go’aanka iminka oo uu fursad u heley inuu su’aalo ka waydiiyo oo ay ka wada hadlaan saamaynta.

Amaanka shaqaalaheena iyo bulshadeena ayaa sii noqonaysa mudnaanta kowaad. Xataa inta ay socoto mushkiladu, waxa aynu waafajinay shaqadeena anaka oo ku darnay talaabooyin amaan iyo nidaamyo.

Qaar kamid ah mashaariicda dhismaha ee muhiimka ah way sii socod doonaa oo ay ku jiraan Lander St Overpass, Martin Luther King Jr Way khadka baaskiilka (north of Rainier), Georgetown to South Park bike facility, Fairview Bridge Replacement, the Northgate Bike and Pedestrian Bridge, Delridge RapidRide H Line, hormarka jidka baska Rainier Ave S, mashaariicda Safe Routes to School, Green Lake iyo Wallingford Paving Projects, iyo kuwa kale. 

Waxa aynu baaraynaa oo aynu wadnaa qorshaha xasiloonida Biriishka Sare ee Galbeedka Seattle iyo in aynu isku keeno koox ku samaysa dayactir ama badalaad. Waxa aynu wali sii wadaynaa dhismayaasha Magaalaada ee hormarinta laamida, dayactirka biriishyada, beerista dhirta, dhirta iyo hagaajinta dhulka, iyo hormarinta ishaarooyinka. 

Waxa aynu sidoo kale sii wado doonaa dhismaha nidaamkeena gaadiidka taas oo u sahlaysa dadka dhamaan da’daha iyo awoodaha inay baaskiil ku kaxaystaan oo lugeeyaa magaalada iyada oo la samaynayo 20 mayl Jidad Caafimaad Ahaan Amaan ah rasmi ah, oo markaa waxaa lasii wadi doonaa miisaaniyada mashaariicdan kuwaas oo kamid ah dadaalka dhakhsaha u hirgelinta dhawr mashruuc oo gaadiidka ah kuwaas oo aynu doonayno in hormar laga gaadho 2020.

Sidoo kale, waxaan sii wadi doonaa mashriicda iminka la hakiyay mustaqbalka anaka oo u wareejin doono maalgelinta mashaariicda kale ama marka ay lacag dheeraad ah la helo.

Waxa aynu u mahadnaqaynaa dadka codeeyay iyo cashuur bixiyayaasha ee markaa taageeray samaynta inLevy Loo Wareejiyo Seattle 2015.  Levy waxaa weeye sababta kowaad ee aynu u sii wadno maalgelinta gaadiidka ee bulshadeena u baahan. Iyo sidoo kale inaka oo yaraynayna bushqadeena gudbinta 2020 kuma jirto dakhliga dheeraad ah, oo uma aragno in aanu ka jari karno intay dib u dhaca. Waxa aynu sii wadi doonaa isla fiirinta ikhtiyaarada maalgelineed ee dheeraadka ah iyo in aynu bixino fursado anaka oo sidoo kale eegeyna mudnaanta shaqadeena ee waaqiciga miisaaniyada wakhtigan na horyaal.

Waxa aynu la kulanay oo aan dhaafnay caqabado hore magaalo ahaan iyo waax ahaan, oo markale waanu ka dugbi doonaa — inaka oo wada jirna. Mahadsanid.

Laga bilaabo maanta, mashriicda Levy ee soo socda waxaa la hakin doonaa ilaa Janaayo 2021, iyo/ama inta uu soo baxayo go’aanka ugu danbeeya ee nidaamka miisaaniyada 2021-2022, waxaana loo kala saari doonaa mashaariicda  Levy: 

Barnaamijka 1 – Amaanka Jidhka

  • Sand Point Way NE: wajiga labaad ee mashruucan, oo ay ku jiraan jidka cagta cusub, waa la hakin doonaa inta ugu danbeeysa ee qorshaysneed kahor inta aan la xayaysiin qandaraasalaha dhisaya. 
  • 23rd Ave E Corridor-Phase 3 (John St to SR-520):  mashruucan waa la hakin doonaa inta ugu danbeeysa ee qorshaysneed kahor inta aan la xayaysiin qandaraasalaha dhisaya

Barnaamijka 2 – Safe Routes to School

  • Thornton Creek Elementary School: hakinta gaadiid dejinta lagaga shaqaynayay NE 40th St.
  • North 130th Street & Ashworth Ave North: waxaa la hakin doonaa shaqada ishaarada

Barnaamijka 5 – Bicycle Master Fadlan

  • Alaskan Way: mashruucan waxaa loo maalgeliyay si loogu qiimeeyo nashqada isku xirka wadooyinka baaskiilka ee biyaha soo dhacaya Elliott Bay Trail; shaqooyinka qorshaysan waa la hakiyay 
  • Georgetown to Downtown: mashruuca waxaa la joojiyay intii la qiimaynayay jidka 
  • MLK Way S u dhaxeeya Rainier Ave S iyo S Henderson St: mashruuca waa la joojiyay inta la wado qiimaynta khadka baaskiilka la saadaalinayay 
  • SODO Trail: mashruuca waxaa la joojiyay intii la waday mashruuca ugu danbeeya ee balaarinta jidka SODO inta u dhaxaysa Kaynta iyo Spokane St
  • N 40th St dayactir meelo: shaqadan waxaa la hakiyay wixii ka horeeyay hirgelinta goobaha baaskiilka  hormarinta qaybta ka ah N 40th St Paving Project 
  • 2019 Center City Bike Network dayactir meelo: shaqada waxaa la hakiyay kahor inta aan la hirgelin balaadhinta mashruuca oo la samaynayay 2019

Barnaamijka 9 – Arterial Asphalt and Concrete (AAC)

  • Market St AAC: joojinta mashruuca laami ka dhigista kahor dhismaha

Barnaamijka 10 – Arterial Major Maintenance (AMM)

  • Yaraynta 1 mashruuc: hakinta hal mashruuc oo meesha laamida ah

Barnaamij 15– Bridge Stairway Maintenance

  • Qandaraasluhu waxa uu sameeyay jidka toosan: waxaa la joojiyay 1-2 mashruuc ilaa sanadaha soo socda

Barnaamijka 18 – Multimodal Improvements

  • Route 7 (Rainier): mashruuca waxaa la hakiyay intii la qorshaynayay (60% Nashqada)
  • Route 48 (23rd): mashruucda waxaa la hakiyay kadib markaa la qorshaynayay warbixinta dhamaystirka
  • Bus Rapid Transit (BRT) Concept Design: awood gaadiid oo ka duwan qiimaynta mudnaanta
  • Fauntleroy Boulevard Project: mashruucan waxaa la hakiyay 2018 si markaa SDOT iyo Sound Transit ay ugu suurto gasho inay ka wada shaqeeyaan Sound Transit oo ay sameeyaan Isku xidhka tareenka fudud si la mideeyaya iyo dhismaha wakhtigiisa. Iyada oo ay jiraan xiritaan aan la qorshaynin oo ah West Seattle High-Bridge iyo wakhtiga hawshaas la xiriira, hadda maaha munaasab in la sameeyo baaxad shaqo oo markaa lagu ogaanayo Mashruuca Fauntleroy Boulevard. SDOT waxaa ka go’an inay ku samayso hormarka mudada dheer, ilaa inta maalgelinta iyo mashaariicda kale ee habayntu ay ogoshahay

Barnaamij 25 – Jidka Cagta oo Cusub

  • 32nd Ave S: mashruuca jidka cagta ee haladku galay kahor inta aan la samaynin

Sidoo kale, mashriicda aan ahayn Levy ee soo socda waa la hakiyay: 

  • Center City Connector Streetcar: mashruuca la hakiyay.
  • Congestion Pricing: dib u dhac lagu sameeyay wacyi gelinta iyo samaynta xeerka hore
  • Mashaariic kala duwan oo ku xiran Shirkada Dalada Gaadiidka (Transportation Network Company, TNC) Dakhliga Cashuurta: Market to MOHAI : (waxaa dib u dhacay Wajiga 2 Market to MOHAI jidka fudud ee cagta mashruuca ah), Capitol Hill Public Life Study, West Marginal Way Safety, Home Zone Program (dib u dhac dheeraad ah oo Aagaga Guryaha ee ka badan intii labada mashruuc ee hore), Thomas St Redesign (lagu joojiyay nashqada 30%), Fortson Square Redesign (lagu joojiyay nashqada; public realm plaza lama dhamstiri doona 2021)
  • Slurry Sealing: waxaa la joojiyay mashruuca ilaa 2021
  • Samaynta rakada baaskiilka: waxaa la hakiyay dhamaan rakibaada rakada baaskiilka 2020 (celcelis ahaan 40 meelood)
  • ST3Qorshaynta iyo Nashqadaynta: ka duwan Qorshaynta Istaanka  Graham Stsi waafaqsan jadwalka Sound Transit  
  • Taageerada farsamo ee Mercer West: yaraynta taageerada farsamo iyo xakamaynta gaadiidka ee markaa lagu fududaynayo rakibaada farshaxanka 
  • Xiritaanka Meesha Ciyaarta: badbaadinta mashruuca
  • Alaskan Way Viaduct Replacement (AWVR) and SR-520 mashruuc deegaanku maal geliyay: waxaa la hakiyay in mashaariicda loo diro dib u guditaanka  WSDOT 
  • Kaydka Elliott Bay Seawall: badbaadinta mashruuca
  • Hagaajinta Seawall: Xadiga lacagta ee yar lama filayany in la kharash gareeyo 2020
  • Seattle Transportation Benefit District (STBD) mashruuc caasimad aah: Mashriic ayay hakintoodu ku eeg tahay ilaa go’aanka I-976; mashaariicda kale ee tareemada la isku lahayn karo waxay sii wadi doonaa in lagu helo qaab kale oo maalgelinta STBD iyo Barnaamijka Hormarinta SDOT Transit Spot

Ugu danbayn, waxa aynu hakin doonaa shaqada ama waxa aynu kaydinta doonaa meelaha banaan ee Shaqooyinka iyo Dayactirada mashruucda soo socda:

  • Socodka Tareenka
  • Taageerada Farsamo
  • Baarkinka iyo meelaha jidka agtiisa ah
  • Ruqsada Isticmaalka Jidkaiyo Dhaqan Gelinta
  • Nadaafada Jidka
  • Ka Shaqaynta Dhirta iyo Dhulka