Fans arrive at Lumen Field after taking transit to the Club World Cup game between the Seattle Sounders and Paris St. Germain on June 23, 2025. Photo: Peter Bohler, Sound Transit Seattle waxay isu diyaarinaysaa inay soo dhawayso dadka soo booqanaya ee ka kala imanaya adduunka oo dhan si ay uga qaybgalaan Koobka Adduunka ee Ragga ee FIFA. Waxaan tan u samaynaynaa si habaysan oo taxadar leh si aan uga caawino qof walba inuu u safro si badbaado leh oo la isku halayn karo.
Dhowrka bilood ee soo socda, waxaad arki doontaa isbeddello ka dhacaya magaalada oo dhan. Isbeddelladani waxay saameyn karaan sida jidadku u shaqeeyan, sida aad u safarto, iyo sida aan u wadaagno macluumaadka wakhtiga dhabta ah. Tani waa dadaal la isku dubariday oo ka socda gobolka oo dhan.
Qoraalkan wuxuu bilaabayaa taxanaheena #WCSeattle (Koobka Adduunka Seattle) ee ku saabsan waxa aan u samaynayno si aan u diyaar garowno, waxa aad filan karto, iyo sida loo qorsheeyo mustaqbalka.
Ku bood:
- Dadaal Goboleed si Seattle loo sii wado dhaqdhaqaaqeeda: Martigelinta Koobka Adduunka waxay u baahan tahay isku dubarid gobolka oo dhan ah, ee ma aha oo kaliya mid ku kooban Seattle.
- Waxa aanu ka samaynayno daaha gadaashiisa: U diyaar garowga dhacdo baaxaddan leh waxay ka dhigan tahay in hore loo sii diyaargaroobo, in la hagaajiyo hawlaha maalinlaha ah, iyo in la sameeyo horumarin muddo dheer ah, ma aha oo kaliya ciyaarahan laakiin mustaqbalka Seattle.
- U naqshadaynta Dadka: Pioneer Square iyo Pike Place Market: Qaar ka mid ah isbeddellada ugu waaweyn ee aad arki doonto waxay noqon doonaan xaafadaha ugu caansan Seattle.
- Waxa aad hadda samayn karto: Baddel Safarkaaga! Inta lagu jiro Koobka Adduunka, safarku wuxuu u ekaan doonaa mid ka duwan, qof walbana wuu caawin karaa.
- La soco: Waxaanu kula socodsiin doonaa wararka ugu dambeeya, talooyinka, iyo macluumaadka safarka ee dhammaan kanaalada SDOT si aad ula socoto oo aad u qorshayso si kalsooni leh.
Dadaal Goboleed si Seattle loo sii wado dhaqdhaqaaqeeda
Martigelinta Koobka Adduunka waxay u baahan tahay isku dubarid gobolka oo dhan ah, ee ma aha oo kaliya mid ku kooban Seattle.
Waxaan si dhow ula shaqaynaynaa wakaaladaha gaadiidka, magaalooyinka dariska ah, iyo la-hawlgalayaasha si aan kaaga caawino inaad u safarto garoonka diyaaradaha, bartamaha magaalada, garoomada, iyo meelaha kale ee muhiimka ah. Taas waxaa ka mid ah iskaashi lala yeelanayo la-hawlgalayaasha sida:
Si wadajir ah, isku xidhka gaadiidka iyo macluumaad cad oo joogto ah ayaa laga hirgelin doonaa hay’adaha kala duwan.
Waxyaabaha aan ka wadno hoos
U diyaar garowga dhacdo baaxaddan leh waxay ka dhigan tahay in hore loo sii diyaargaroobo, in la hagaajiyo hawlaha maalinlaha ah, iyo in la sameeyo horumarin muddo dheer ah, ma aha oo kaliya ciyaarahan laakiin mustaqbalka Seattle.
Waa kan waxa horay u jiray iyo waxa hada socda.
Hawlaha Taraafikada ee Waqtiga-Dhabta ah
Waxaan la soconnaa nidaamka gaadiidka waxaana samaynaa isbeddello waqtiga-dhabta ah, sida hagaajinta calaamadaha taraafikada. Xarunta Hawlaha Gaadiidka ee SDOT waxay la socotaa xaaladaha Gaadiidka 24 saacadood maalintii waxayna macluumaadka ku wadaagtaa madasha X (@SDOTtraffic). Ka eeg Khariidadda Socdaalka ee seattle.gov/Travelers.

Joojinta Dhismaha si loo Yareeyo Carqaladaha
Dhismaha ayaa la joojin doonaa meelaha muhiimka ah laga bilaabo Juun 8 ilaa Luulyo 6, 2026. Tani waxay ka dhigan tahay in ay yaraan doonaan aagagga shaqada ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha ee jidadka iyo jidka cagta, iyo in ay jiri doonto meel badan oo loogu talagalay gaadiidka iyo dadka lugeynaya, rogrogaya, iyo baaskiilka wata. Iyadoo ay yaraanayaan saameynta dhismaha, way fududaan doontaa in la isticmaalo Goobahadadweynaha.
Safarka mudnaanta la siinayo Gaadiidka
Waxaan ka dhigeynaa mid fudud in lagu safro gaadiidka.
Waxa horay u jiray:
- Mudnaanta gaadiidka oo la ballaariyay, sida waddooyinka basaska ee 24/7 ee waddooyinka waaweyn sida Aurora Ave iyo Rainier Ave
- Goobaha gaadiidka oo la cusboonaysiiyay, oo ay ku jiraan horumarino laga sameeyay 3rd Ave iyo Main St
- Cusboonaysiinta 3rd Ave oo leh nalka iyo helitaanka oo ka wanaagsan
- Isku xirnaan xooggan oo u dhexeeya tareenka fudud, basaska, tareennada jidka, doomaha, iyo Coleman Dock oo leh adeeg sida Madison St RapidRide G
- Calaamado cusub oo bartamaha magaalada ah iyo macluumaadka booqdayaasha si looga caawiyo dadka inay helaan isku xirka gaadiidka iyo meelaha ay u socdaan
- Barnaamijka Baaskiilka & Scooter ka ee Gaadiidka oo leh tigidhada gaadiidka oo bilaash ah iyo dhibcaha raacitaanka baaskiilka iyo Scooter ka
Waxa aan u qabanayno maalmaha ciyaarta:
- Sound Transit waxay qorsheyneysaa inay samayso adeeg badan maalmaha ciyaarta, oo ay ku jiraan tareenka fudud ee Link oo soo noqnoqda iyo tareennada Sounder oo dheeraad ah si looga caawiyo dadka inay tagaan oo ay ka so noqdaan garoonka.

Habab Cusub oo Lagu Socdaalo
Waxaan ka dhigeynaa mid fudud (iyo mid xiiso leh!) in lagu socdaalo baabuur la’aan.
Waxa horay u jiray:
- Jidka cagta oo la hagaajiyay, rampyada kuraasta curyaamiinta, iyo meelaha dadku ku lugeeyaan oo u dhow Lumen Field, Union Station, iyo Pioneer Square.
- Isku xirnaan wanaagsan oo u dhexeeya bartamaha magaalada iyo xeebta, oo ay ku jiraan wiishka iyo jaranjarada Union Street, Marion Street Bridge iyo Coleman Dock, Overlook Walk, iyo horumarinta bari iyo galbeed ee Washington St, Yesler Way, iyo 2nd Ave S.
- Jidka cagta oo cusub oo ku yaal 4th Ave S, kaas oo hagaajinaya helitaanka u dhexeeya SODO iyo bartamaha magaalada.
- Shabakad baaskiil oo isku xiran, oo ay ku jiraan waddo baaskiil oo la ilaaliyo oo ku taal Alaskan Way, cusboonaysiinta badbaadada ee E Marginal Way, waddada baaskiilka ee la ilaaliyo ee Yesler Way laga bilaabo Occidental Ave S ilaa xeebta, iyo isku xirka la cusboonaysiiyay ee Shabakadda Baaskiilka ee Bartamaha Magaalada
- Baarkinka baaskiilka iyo mootada oo badan si loo maareeyo baahida loona caawiyo dhimista ciriiriga jidka cagta
- Bixinta baarkinka “valet” ee baaskiilka iyo mootada oo u dhow garoomada maalmaha ciyaarta
Maareynta Meelaha Jidka Dhinaciisa (Curb Space) iyo Helitaanka (Access)
Waxaan dib u habeynaynaa meelaha jidka dhinaciisa (curb space) waxaana sameynaynaa khariidado si loo tixgeliyo tirada sii kordheysa ee dadka soconaya iyo baahida sii socota ee rarista iyo dejinta.
Waxa horay u jiray:
- Calaamado cusub iyo kiosks booqdayaal oo ku baahsan bartamaha magaalada oo leh khariidado, meelo caan ah, iyo macluumaadka gaadiidka si looga caawiyo booqdayaasha iyo dadka deegaanka inay si fudud u helaan waddadooda xaafadaha bartamaha magaalada
Waxa aan samaynayno maalmaha ciyaarta Koobka Adduunka:
- Magacaabista aagagga raacitaanka wadaagga ah iyo taksiyada oo ka fog meelaha ugu mashquulka badan ee u dhow garoomada
- Bixinta hagitaan cad oo ku saabsan goobaha rarista iyo dejinta ee maalinta ciyaarta
- Abuurista meel dheeraad ah oo loogu talagalay dadka sugaya inay raacaan tareenka fudud
- Taageeridda dejinta ADA
U naqshadeynta Dadka: Pioneer Square iyo Pike Place Market
Qaar ka mid ah isbeddellada ugu waaweyn ee aad arki doonto waxay noqon doonaan xaafadaha ugu caansan Seattle.

Waxaan qorsheyneynaa waddooyin badan oo dadku ku lugeyn karaan, oo diiradda saaraya dadka meelaha sida:
Isbeddelladan waxaa ka mid ah isbeddellada hawlgelinta waxaana loogu talagalay inay:
- kor u qaadaan badbaadada
- meel u sameeyaan kumanaan booqdayaal ah
- maareeyaan xawaaraha baaskiilka iyo Scooter ka wadaaga 8 MPH
Pioneer Square gudaheeda, hagaajinta meelaha dadweynaha sida Fortson Square, iyo sidoo kale horumarinta ku dhow ee socodka, iftiinka, iyo helitaanka, waxay gacan ka geysan doonaan abuurista marin soo dhaweyn leh oo loo maro xaafadda.


Waxa aad hadda samayn karto: Baddel Safarkaaga!
Inta lagu jiro Koobka Adduunka, safarku wuxuu u ekaan doonaa mid ka duwan, qof walbana wuu caawin karaa.
Marka uu so dhowaado Koobka Adduunka, waxaad filan kartaa:
- Safarro mashquul badan, gaar ahaan maalmaha ciyaarta
- Isbeddellada ku-meel-gaarka ah ee jidka u dhow garoomada iyo meelaha taageerayaasha
- Cusbooneysiin waqtiga-dhabta ah si ay kaaga caawiso inaad horay u sii qorsheysato
Warka wanaagsan: waxaan wadaagi doonnaa macluumaad cad oo waqtigiisa ku habboon si aad u samayso doorashooyin safar oo xog ogaal ah.
Xitaa isbeddellada yaryar sida isticmaalka gaadiidka dadweynaha, baaskiil wadidda, socodka, wadaagga gaariga, ama beddelidda waqtiyada safarkaaga waxay samayn karaan farqi weyn si magaaladu u sii socoto.
Taasi waa sababta aan qof walba ugu dhiirigelinayno inuu “Baddelo Safarkiisa”:
- Isku day gaadiidka dadweynaha ka hor inta uusan tartanku bilaaban
- Tijaabi waddo cusub ama jadwal cusub
- Ku celceli hadda si safarku u fududaado maalmaha ciyaarta
- Daawo fiidiyowyadan gaagaaban si ay kaaga caawiyaan barashada sida loo raaco gaadiidka dadweynaha iyo ku safar la’aanta baabuur!
Booqo FlipYourTrip.org si aad u sahamiso dhammaan xulashooyinkaaga safarka.
Ku Xirnow
Waxaan kula socodsiin doonnaa wararka, talooyinka, iyo macluumaadka safarka ee dhammaan kanaallada SDOT si aad ula socoto oo aad horay ugu qorsheysato si kalsooni ah. Qoraalkan waa bilow uun.
Booqo oo la soco:
Web | Blog | X | X Traffic | Instagram | TikTok | Facebook | LinkedIn | YouTube | Flickr | Customer Service | Alert Seattle
Midka xiga ee taxanaheenna #WCSeattle:
Seattle Diyaar bay Noqon Doontaa
Waxaan diyaarinaynaa hadda si dadka deegaanka iyo dadka soo booqanaya labaduba ay u safri karaan si badbaado leh, lagu kalsoonaan karo, oo ay ugu raaxaysan karaan wax kasta oo Seattle ay bixiso. Waxaan rajaynaynaa inaan soo dhaweyno booqdayaasha ka imanaya adduunka oo dhan!