Choose a language:
  • English
    Google Translate may not accurately translate all content. Read disclaimer.

    For general City questions, please call 206-684-2489. Tell us your requested language in English, and we can connect you with an interpreter.
  • Español
    Es posible que Google Translate no traduzca con precisión todo el contenido. Lea el descargo de responsabilidad.

    Si necesita ayuda en otro idioma, díganos en inglés nombre del idioma que necesita y lo conectaremos con un intérprete: 206-684-2489
  • 中國語文
    Google 翻譯可能無法準確翻譯所有內容。閱讀免責聲明

    如果您需要翻譯,請用英語説出您所需要的語言,我們將爲你連接口譯員: 206-684-2489
  • 简体中文
    Google 翻译可能无法准确翻译所有内容。阅读免责声明

    如果您需要翻译,请用英语说出您所需要的语言,我们将为你连接口译员: 206-684-2489
  • Tiếng Việt
    Google Dịch có thể không dịch chính xác tất cả nội dung. Đọc tuyên bố từ chối trách nhiệm.

    Nếu quý vị cần hỗ trợ về ngôn ngữ, xin vui lòng cho chúng tôi biết ngôn ngữ quý vị cần hỗ trợ bằng tiếng Anh (ví dụ “Vietnamese”), chúng tôi sẽ kết nối quý vị với một thông dịch viên: 206-684-2489
  • Af-Soomaali
    Google Translate ayaan si sax ah u turjumi karin dhammaan waxyaabaha ku jira. Akhri afeef.

    Haddii aad u baahan tahay caawimaad luqadeed, fadlan noogu sheeg Ingiriisiga luqadda aad u baahan tahay, ka dib waxaan kugu xiri doonnaa turjubaan: 206-684-2489
  • Tagalog
    Maaaring hindi tumpak na isalin ng Google Translate ang lahat ng nilalaman. Basahin ang disclaimer.

    Para sa mga pangkalahatang katanungan sa Lungsod, mangyaring tawagan ang 206-684-2489. Sabihin sa amin ang hiniling mong wika sa Ingles, at maikokonekta ka namin sa isang interpreter.
  • 한국어
    구글은 정확하게 모든 내용을 번역하지 않을 수 있습니다 번역. 읽기 면책 조항.

    언어지원이 필요한 경우, 필요한 언어를 영어로 말씀해 주시면 통역사와 연결해 드리겠습니다: 206-684-2489
  • አማርኛ
    የጉግል ትርጉም ሁሉንም ይዘቶች በትክክል መተርጎም ላይችል ይችላል። ማስተባበያ አንብብ፡፡

    ኣስተርጓሚ ካስፈለግዎ የሚፈልጉትን ቋንቋ በእንግልዝኛ ይንገሩን፣ ከኣስተርጓሚ እናገናኝዎታለን። 206-684-2489
  • русский язык
    Google Translate не может точно перевести весь контент. Прочтите отказ от ответственности.

    Если вам нужна языковая помощь, сообщите нам на английском, какой язык вам нужен, и мы свяжем вас с переводчиком: 206-684-2489
  • 日本語
    Google 翻訳は、すべてのコンテンツを正確に翻訳するとは限りません. 免責事項をお読みください

    市の一般的な質問については206-684-2489に電話してください。ご希望の言語を英語で教えていただければ、通訳をご案内いたします。
  • ትግርኛ
    Google Translate ንኹሉ ትሕዝቶ ብትኽክል ከይትርጉሞ ይኽእል እዩ። ሓላፍነት ምውሳድ ኣንብብ

    ንሓፈሻዊ ሕቶታት ከተማ ክትድውሉ ትኽእሉ ኢኹም። 206-684-2489። ዝሓተትኩሞ ቋንቋ ብእንግሊዝኛ ንገሩና፡ ምስ ተርጓሚ ከነራኽበኩም ንኽእል ኢና።
  • Oromiffa
    Google Translate qabiyyee hunda sirritti hiikuu dhiisuu danda'a. Itti gaafatamummaa ofirraa ittisuu dubbisaa.

    Gaaffii waliigalaa Magaalaa yoo qabaattan bilbilaa 206-684-2489. Afaan Ingiliffaan isin gaafattan nuuf himaa, nama afaan hiiku waliin isin wal qunnamsiisuu dandeenya.
  • हिन्दी
    हो सकता है कि Google अनुवाद सभी सामग्री का सटीक अनुवाद न करे. अस्वीकरण पढ़ें.

    सामान्य शहर के प्रश्नों के लिए, कृपया कॉल करें 206-684-2489। हमें अंग्रेजी में अपनी अनुरोधित भाषा बताएं, और हम आपको एक दुभाषिया से जोड़ सकते हैं।
  • Français
    Google Traduction peut ne pas traduire correctement tout le contenu. Lisez la clause de non-responsabilité.

    Pour des questions générales sur la ville, veuillez appeler le 206-684-2489. Dites-nous votre langue souhaitée en anglais, et nous pourrons vous mettre en contact avec un interprète.
  • Українська
    Перекладач Google може не точно перекласти весь вміст. Прочитайте застереження.

    За загальними запитаннями про місто, будь ласка, телефонуйте 206-684-2489. Розкажіть нам про вашу мову англійською мовою, і ми можемо зв’язати вас із перекладачем.
  • ภาษาไทย
    Google Translate อาจแปลเนื้อหาทั้งหมดไม่ถูกต้อง อ่านข้อจำกัดความรับผิดชอบ

    สำหรับคำถามทั่วไปเกี่ยวกับเมืองโปรดโทร 206-684-2489 บอกภาษาที่คุณต้องการเป็นภาษาอังกฤษและเราสามารถติดต่อคุณกับล่ามได้
  • ភាសាខ្មែរ
    កម្មវិធីបកប្រែហ្គូហ្គោលមិនអាចបកប្រែមាតិកាទាំងអស់បានត្រឹមត្រូវទេ។ អានការបដិសេធ។

    សម្រាប់សំណួរទូទៅរបស់ទីក្រុងសូមទូរស័ព្ទមក 206-684-2489 ។ ប្រាប់យើងពីភាសាដែលអ្នកស្នើសុំជាភាសាអង់គ្លេសហើយយើងអាចភ្ជាប់អ្នកជាមួយអ្នកបកប្រែភាសា។
  • ພາສາລາວ
    Google Translate ອາດຈະບໍ່ແປເນື້ອຫາທັງ ໝົດ ຢ່າງຖືກຕ້ອງ. ອ່ານປະຕິເສດ.

    ສຳ ລັບ ຄຳ ຖາມທົ່ວໄປຂອງເມືອງ, ກະລຸນາໂທຫາ 206-684-2489. ບອກພວກເຮົາເປັນພາສາອັງກິດທີ່ທ່ານຮ້ອງຂໍ, ແລະພວກເຮົາສາມາດເຊື່ອມຕໍ່ທ່ານກັບນາຍແປພາສາ.
  • ਪੰਜਾਬੀ
    ਹੋ ਸਕਦਾ ਹੈ ਕਿ Google ਅਨੁਵਾਦ ਸਾਰੀ ਸਮੱਗਰੀ ਦਾ ਸਹੀ ਅਨੁਵਾਦ ਨਾ ਕਰੇ। ਬੇਦਾਅਵਾ ਪੜ੍ਹੋ.

    ਸਿਟੀ ਦੇ ਆਮ ਸਵਾਲਾਂ ਲਈ, ਕਿਰਪਾ ਕਰਕੇ ਕਾਲ ਕਰੋ 206-684-2489। ਸਾਨੂੰ ਆਪਣੀ ਬੇਨਤੀ ਕੀਤੀ ਭਾਸ਼ਾ ਅੰਗਰੇਜ਼ੀ ਵਿੱਚ ਦੱਸੋ, ਅਤੇ ਅਸੀਂ ਤੁਹਾਨੂੰ ਦੁਭਾਸ਼ੀਏ ਨਾਲ ਜੋੜ ਸਕਦੇ ਹਾਂ।

Find Posts By Topic

Laymaha wadada dhexe oo sahlan waxna tariya ayaa imaandoono Rainier Ave S.

Sawirka geeska midig hoose ee isgoyska magaaalada booraland oo leh Laymaha wadada dhexe ee adag. Sawrika waxaa iska leh:Magaaalada Booroland

Iyada oo ay qayb ka tahay yoolkayaga ahaa inta aan la gaarin 2030 in la soo afjaro dhimashada taraafikada iyo dhaawacyada halista ah, waxaan dhowr isgoys ku rakibi doonnaa “Laymaha wadada dhexe ee adag” oo ku teedsan Rainier Ave S.

Laymaha dhexe ee adag waa caagag yar ee ku xiga isgoysyada. Kuwaas oo khasbaysa in dadka baabuur wato ay si tartiiab ah bidix u leexdaan. Leexashadaas oo ah afar gees. Magaalooyinka kale markaa la eego, isbeddelkan yar wuxuu si weyn ah u yareeyay xawaarihii gawaarida ee isgoysyada. Wuxuuna badiyay nabadgelyada dadka isgoysyada mara. (Fadlan maclumaad dheeraad ah ka akhri boggayaga internetka).

Sharaxaada sawirka: Sawirkan wuxuu matalaya isgoyska afarta dhinac ah ee caadiga ah oo qof lugaynaya uu ka gudbayo meesha la maro iyo baabuur bidix u leexanaya. Sawirkaan waa mid ka hor iyo ka dib ah. Sawirkan hore wuxuu muujinayaa darawal si gees gees ah ugu leexaniyo isgoyska bartamaheeda iyada oo aan la xirgelin laymaha dhexe ee adag. Sawirka dambe wuxuu muujinayaa darawal midig u leexanaayo si uu uga fogaado layamaha dhexe ee adag.
Sharaxaada sawirka: Sawirkan wuxuu matalaya isgoyska afarta dhinac ah ee caadiga ah oo qof lugaynaya uu ka gudbayo meesha la maro iyo baabuur bidix u leexanaya. Sawirkaan waa mid ka hor iyo ka dib ah. Sawirkan hore wuxuu muujinayaa darawal si gees gees ah ugu leexaniyo isgoyska bartamaheeda iyada oo aan la xirgelin laymaha dhexe ee adag. Sawirka dambe wuxuu muujinayaa darawal midig u leexanaayo si uu uga fogaado layamaha dhexe ee adag.

Kuwaan xagee lagu xirgeliniyaa?

Hoos waxaa ku qoran waxyaabihii aan ka fikirnay markaan xirgelinaynay laymaha adag ee wadada dhexdood.

  • Taariikhda dhaawacyada dadka iyo dhimashada
  • Isgoysyada calaamadaha taraafikada leh oo aan haysan waqtiyada leexashada ee bidix loogu talagalay.
  • Isgoysyada ¼ mayl u jira dugsiga ama xarunta gaadiidka
  •  Meelaha dadka deggan ay dakhligoodu hooseeyo oo na aad ugu tiirsan yihiin gaadiidka

Anakoo howsha bilaabayno in la dhisayo 2021, Inta lagu jiro barnaamijka qeybta 1 waxaan wax ka qaban doonaa afar isgoys oo ku teedsan Rainier Ave S , iyo siddeed kale inta lagu jiro qaybta 2 ee barnaaamijka, sanadka 2022. Khariidada soo socota waxay muujineysaa goobaha barnaamijka Qeybta 1 ee buluugga ah iyo barnaamijka Qeybta 2 ee oranjiga ah, kuwaas oo ku teedsan Rainier Ave S.

Sharaxaadda Sawirka: Tani waa khariidada koonfurta Seattle, oo ay ku jirto Rainier Avenue S, kuwaas oo leh 4 isgoys oo ku teedsan Rainier Ave S. Tan waxaa loo qoondeeyay in lagu xirgeliyo qeybta 1 aad ee barnaamijka dhismaha. Waxaana sidoo kale 10 isgoys loogu talagalay in lagu xirgeliyo qeybta 2 aad. Isgoysyada la xushay waxay socdaan waqooyiga S Massachusetts St ilaa S Othello St.

Meelaha hoo ku xusan ayaan qorsheyneynaa inaan laymaha dhexe ee isgoysyada ku rakibno:

Qeybta 1 aad

  • Rainier Ave S & S Massachusetts St 
  • Rainier Ave S & S Charlestown St 
  • Rainier Ave S & S Edmunds St 
  • Rainier Ave S & S Graham St 

Qeybta 2 aad

  • Rainier Ave S & S Bayview St 
  • Rainier Ave S & S Walden St 
  • Rainier Ave S & S Andover St 
  • Rainier Ave S & S Genesee St
  • Rainier Ave S & S Alaska St
  • Rainier Ave S & S Ferdinand St 
  • Rainier Ave S & S Hudson St 
  • Rainier Ave S & S Orcas St 
  • Rainier Ave S & S Holly St 
  • Rainier Ave S & S Othello St

Markaan eegno sannadihii la soo dhaafay tani waa mid ka mid ah mashaariicda badan ee aan kaga hawlgalnay jidka Rainier Ave S . Waxaan dhammaystirnay waxyaaba kala duwan ee lagu horumarinyo amniga. Taas oo ka mid ah barnaamijkeenna la xiriiro amniga dadka wadooyinka mashquulka badan ku lugaynaya, kurasta curyaanka rogaya, baaskiilka wadiyo iyo gaadiidka qaadaniyo.

Sannadkii 2015, waxaan dib -u -habeynay hal mayl ee wadada Rainier inta u dhaxaysa S Alaska St iyo S Kenny St waxaana ka dhignay 3 illaa 4 layn.  Mashruucan wuxuu si guul leh u wanaajiyay nabadgelyada waddada Rainier Ave S ee Columbia City iyo Hillman City. Anakoo guushii hore ka sii wadayno, qeybtii labaad aan bilownay 2017 ee barnaamijka u dhexaysa  Hillman City iyo Rainier Beach. Sannadka 2019, waxaan hagaajinnay isgoysyada, meelo gaarkoodana waxaan ku darnay waddooyin leh laymo gaar ah ee maraan basaska. Sannadkii hore, waxaan hagaajinay dhowr isgoysyo, kuwaas oo ay ku jiraan isgoyska bulshada, waxaanan dhammaynay qaab -dhismeedka cusub oo ka socda S Kenny St ilaa S Henderson St.

 Maxaa xiga? Bilaha soo socda waxaan rakibaynaa laymaha adag ee wadada dhexdooda. Hadafkayagu waa inaan dhammaystirno rakibidda dhammaan goobaha ku teedsan Rainier Ave S intaa aan la gaarin xiliga guga ee 2022.

Haddii aad soconayso, rogayso gaariga curyaanka, baaskiil wadayso, ama baabuur wadayso, Fadlan ka digtoonow layamaha adag ee cusub oo ku yaal wadaada dhexdooda.