Iyada oo ay qayb ka tahay yoolkayaga ahaa inta aan la gaarin 2030 in la soo afjaro dhimashada taraafikada iyo dhaawacyada halista ah, waxaan dhowr isgoys ku rakibi doonnaa “Laymaha wadada dhexe ee adag” oo ku teedsan Rainier Ave S.
Laymaha dhexe ee adag waa caagag yar ee ku xiga isgoysyada. Kuwaas oo khasbaysa in dadka baabuur wato ay si tartiiab ah bidix u leexdaan. Leexashadaas oo ah afar gees. Magaalooyinka kale markaa la eego, isbeddelkan yar wuxuu si weyn ah u yareeyay xawaarihii gawaarida ee isgoysyada. Wuxuuna badiyay nabadgelyada dadka isgoysyada mara. (Fadlan maclumaad dheeraad ah ka akhri boggayaga internetka).
Kuwaan xagee lagu xirgeliniyaa?
Hoos waxaa ku qoran waxyaabihii aan ka fikirnay markaan xirgelinaynay laymaha adag ee wadada dhexdood.
- Taariikhda dhaawacyada dadka iyo dhimashada
- Isgoysyada calaamadaha taraafikada leh oo aan haysan waqtiyada leexashada ee bidix loogu talagalay.
- Isgoysyada ¼ mayl u jira dugsiga ama xarunta gaadiidka
- Meelaha dadka deggan ay dakhligoodu hooseeyo oo na aad ugu tiirsan yihiin gaadiidka
Anakoo howsha bilaabayno in la dhisayo 2021, Inta lagu jiro barnaamijka qeybta 1 waxaan wax ka qaban doonaa afar isgoys oo ku teedsan Rainier Ave S , iyo siddeed kale inta lagu jiro qaybta 2 ee barnaaamijka, sanadka 2022. Khariidada soo socota waxay muujineysaa goobaha barnaamijka Qeybta 1 ee buluugga ah iyo barnaamijka Qeybta 2 ee oranjiga ah, kuwaas oo ku teedsan Rainier Ave S.
Meelaha hoo ku xusan ayaan qorsheyneynaa inaan laymaha dhexe ee isgoysyada ku rakibno:
Qeybta 1 aad
- Rainier Ave S & S Massachusetts St
- Rainier Ave S & S Charlestown St
- Rainier Ave S & S Edmunds St
- Rainier Ave S & S Graham St
Qeybta 2 aad
- Rainier Ave S & S Bayview St
- Rainier Ave S & S Walden St
- Rainier Ave S & S Andover St
- Rainier Ave S & S Genesee St
- Rainier Ave S & S Alaska St
- Rainier Ave S & S Ferdinand St
- Rainier Ave S & S Hudson St
- Rainier Ave S & S Orcas St
- Rainier Ave S & S Holly St
- Rainier Ave S & S Othello St
Markaan eegno sannadihii la soo dhaafay tani waa mid ka mid ah mashaariicda badan ee aan kaga hawlgalnay jidka Rainier Ave S . Waxaan dhammaystirnay waxyaaba kala duwan ee lagu horumarinyo amniga. Taas oo ka mid ah barnaamijkeenna la xiriiro amniga dadka wadooyinka mashquulka badan ku lugaynaya, kurasta curyaanka rogaya, baaskiilka wadiyo iyo gaadiidka qaadaniyo.
Sannadkii 2015, waxaan dib -u -habeynay hal mayl ee wadada Rainier inta u dhaxaysa S Alaska St iyo S Kenny St waxaana ka dhignay 3 illaa 4 layn. Mashruucan wuxuu si guul leh u wanaajiyay nabadgelyada waddada Rainier Ave S ee Columbia City iyo Hillman City. Anakoo guushii hore ka sii wadayno, qeybtii labaad aan bilownay 2017 ee barnaamijka u dhexaysa Hillman City iyo Rainier Beach. Sannadka 2019, waxaan hagaajinnay isgoysyada, meelo gaarkoodana waxaan ku darnay waddooyin leh laymo gaar ah ee maraan basaska. Sannadkii hore, waxaan hagaajinay dhowr isgoysyo, kuwaas oo ay ku jiraan isgoyska bulshada, waxaanan dhammaynay qaab -dhismeedka cusub oo ka socda S Kenny St ilaa S Henderson St.
Maxaa xiga? Bilaha soo socda waxaan rakibaynaa laymaha adag ee wadada dhexdooda. Hadafkayagu waa inaan dhammaystirno rakibidda dhammaan goobaha ku teedsan Rainier Ave S intaa aan la gaarin xiliga guga ee 2022.
Haddii aad soconayso, rogayso gaariga curyaanka, baaskiil wadayso, ama baabuur wadayso, Fadlan ka digtoonow layamaha adag ee cusub oo ku yaal wadaada dhexdooda.