Find Posts By Topic

Maxaa ku xiga jidadka baska ee Rainier Ave S? Qaado sahankayaga oo baro wax badan!


Please note: to return to the English version of this blog post, please click here.


Jidka baska-kaliya ee dhawaan la dhisay ee Rainier Ave S. Photo credit: King County Metro
Jidka baska-kaliya ee dhawaan la dhisay ee Rainier Ave S. Photo credit: King County Metro

Soo koobid:

  • Anagoo kaashanayna King County Metro, waxaan dhawaan rakibnay wadooyinka baska ee Rainier Ave S dhanka waqooyi ee u dhexeeya S Alaska St iyo S Walden St, iyo dhanka koonfureed ee u dhexeeya S Oregon St iyo S Edmunds St ee Rainier Valley.
  • Waxaan hadda qiimeyneynaa laba siyaabood midkood si aan u dheereyno jidadka baska. Kordhintaani waxay ahaan doontaa Rainier Ave S oo ka sii fog waqooyiga inta u dhaxaysa S Walden St iyo S Grand St.
  • Fadlan samee sahan keena ugu dambayn November 13. Waxaad nala wadaagi kartaa fikradaada ku saabsan labada doorasho ee la soo jeediyay, sida aad ugu safarto Rainier Ave S, iyo sida aan u horumarin karno khibradaada qaadashada gaadiidka.    
  • Waxaan ku soo bandhigi doonaa dariiqa baska-kaliya ee Wajiga 2 Rainier Ave S kulan dadweyne oo fogaan ah Oktoobar 25. Faahfaahinta kulanka waxaa lagu soo bandhigi doonaa Websitekayaga. Waxaan ku soo bandhigi doona codka shirka mashruuca websitekayaga kulanka ka dib.

Horaantii xagaagan, annagoo kaashanayna King County Metro, waxaan ku rakibnay wajigii koowaad ee wadooyin baska-kaliya ee ku teedsan Rainier Ave S.

Tan waxa ku jira dariiqyada baska ee ka yimaada S Alaskan St ilaa S Walden St, iyo dariiqyada basaska ee koonfurta u socda ee ka yimaada S Oregon St ilaa S Edmonds St. Waxaan la soconay taraafikada iyo wakhtiyada safarka baska tan iyo markii aan hirgalinay isbeddelkan.  Waxaan sii wadi doonaa aruurinta xogta bilaha soo socda. Ilaa hadda, waxaanu ogaanay kaydinta wakhtiga safarka ee basaska.

Khariidadda jidadka baska cusub ee ku teedsan Rainier Ave S, oo ah laba weji ah. Wajiga koowaad waxa la rakibay horaantii xagaagan. Sawirka: SDOT
Khariidadda jidadka baska cusub ee ku teedsan Rainier Ave S, oo ah laba weji ah. Wajiga koowaad waxa la rakibay horaantii xagaagan. Sawirka: SDOT 

Waxaan hadda qiimeyneynaa laba ikhtiyaar (” beddelka”) si aan u fidinno jidadka baska ee jira Rainier Ave S ee waqooyiga, inta u dhaxaysa S Walden St iyo S Grand St.

Marka si buuxda loo rakibo, waxaanu filaynaa in wadayaasha basku ay badbaadin doonaan ilaa 5 daqiiqo kolka ay safrayaan subaxdii waqtiga saxmada.

Waxaan ku waydiisanaynaa inaad naga caawiso inaan doorano ikhtiyaarka la door bidayo iyadoo lagu salaynayo jawaab celinta bulshada.

Fadlan qaado ra’yi -ururintayada bisha Noofambar 13 si aad nola wadaagto fikradahaaga, sida aad hadda ugu socoto Rainier Ave S, iyo sida aad u jeclaan lahayd inaan u wanaajino khibradaada qaadashada gaadiidka.

Waxa kale oo aad ka qaybgeli kartaa kulan dadwayne oo fogaan ah Oktoobar 25 si aad wax badan uga ogaato. Faahfaahinta kulanka waxaa lagu soo bandhigi doonaa Websitekayaga. Waanu duubi doonaa kulanka waxaanan ku soo bandhigi doonaa isku xirka Websitekayaga.

Hoos waxaa ku qoran warbixin kooban oo labada door ah.

Waxaad sidoo kale ka heli kartaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan faa’iidooyinka iyo tixgelinta beddelka kasta boggayaga internetka.

Beddelka 1aad

Doorashadan waxaan u rogi karnaa hal haad oo dhanka waqooyi ah haad bas oo ka yimaada S Walden St ilaa S Grand St.

S Grand St ilaa S Walden St ( waqooyi u eeg)

Sawirka muujinaya qayb ka mid ah Rainier Ave S oo leh Alternative 1. Sawirka: SDOT.
Sawirka muujinaya qayb ka mid ah Rainier Ave S oo leh Alternative 1. Sawirka: SDOT. 

Beddelka 2aad

Doorashadan waxaan u rogi karnaa hal haad oo dhanka waqooyi ah haad bas oo ka yimaada S Walden St ilaa S Grand St.

Waxaan sidoo kale ka saareynaa haadka leexashada dhexe ee u dhexeeya S Grand St iyo S College St waxaanan u bedelayna laba haad oo socdaal oo waqooyi u socda (qiyaastii 5 baloog).

S Grand St ilaa S Walden St (waqooyi u eeg)

Sawir muujinaya laba qaybood oo Rainier Ave S ah oo leh Alternative 2. Sawirka: SDOT.

S College St ilaa S Walden St (waqooyi u eeg)

Sawir muujinaya laba qaybood oo Rainier Ave S ah oo leh Alternative 2. Sawirka: SDOT.
Sawir muujinaya laba qaybood oo Rainier Ave S ah oo leh Alternative 2. Sawirka: SDOT. 

Talaabooyinka Xiga:

Waxaan wadaagi doonaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxaan maqalnay iyo tillaabooyinka xiga ee mashruuca Wajiga 2 dhamaadka sanadka. Naqshadaynta mashruucu waxa ay sii socon doontaa ilaa 2023, dhismuhuna waxa uu bilaabmi karaa sida ugu dhakhsaha badan 2024.

Si aad wax badan uga barato

Waad ku mahadsan tahay wakhtigaaga iyo xiisaha mashruucan!